Ilkay Gundogan: "Manchester United Waa Ixtiraama Laawa Yaal"

Ciyaaraha

ilkay-gundogan-man-city-premier-league_3788533

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Ilkay Gundogan ayaa ku tilmaamay Manchester United ku ixtiraama laawa yaal ah ka dib hab dhaqankii ay u muujiyeen Schweinsteiger  .

Schweinsteiger ayaa Bayern Munich kaga biiray Man United xagaagii 2015 isagoo saftay 31 kulan intii lagu jiray xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee kubada cagta Ingariiska .

32-sano jirkaan  ayaa kooxda laga saaray ee tababare Jose Mourinho xilli ciyaareedkan, si kastaba ha ahaatee, iyo Gundogan ayaa ka gubtay Red Devils sida ay ula dhaqmeen saaxiibkiisa ay iskula guuleysteen Koobka Adduunka.

Tiro ka mid ah kooxaha ayaa lala xiriirinaayaa inuu u dhaqaaqo ciyaaryahanka khadka dhexe ee qibrada leh, oo ay ku jirto kooxda MLS Dallas, kuwaas oo shaaca ka qaaday xiisaha ay u hayaan dhamaadkii bishii hore.

Comments are closed.