Abaalkii Xabsiga galay: Waxa Qoray Cumar Seerbiya

Arimaha Bulshada SHEEKOOYIN Wararka Maanta

Sannado kan hadda aynu ku jirno ee 2016 uu ku noqonaayo 20 waxa magaalada Hargeysa ku noolaa nin Maxamed Axmed sheekada aan ugu dhex magacaabay, waxa uu ahaa arday markaasi dugsi sare galay oo qoys sabool ahna ka soo jeeda .

Subax kasta waxa uu kallahaa isaga oo niyadjabsan , waxaanu ku soo noqdaa isla xaalkii isaga oo ku sugan , ma haysto lacag uu bas ku raaco , laga yaabo inaanu quraacba lagu samaynin guriga uu ka soo tooso.
Sannadkii labaad ee dugsigiisa sare oo waxa sii kordhay caqabadihii nolosha ka haystay habeen ayuu go’aamiyey inuu dhinac uun uga jihaysto Hargeysa , mar waxa soo hor maray ma tahriibtaa , hadana waxa uu tusaale u soo qaatay hebel kale oo uu warkiisa la socday oo markii uu tahriibay lacag uu tiro ahaan uun uu ku garan karo isagu balse aanu waligiiba arkin meel ay taallo iyada oo loo diraayo, mar dambe oo habeenkiiba sii gurmaayo ayuu xusuustay in Edadii oo markaasi dhimatay ay ka iman jirtay Kenya oo markay timaadana uu arki jiray iyada oo muuqaal ahaan iyo dhar ahaanba qurux badan, inuu halkaasi nolosha ku tijaabi ayey isaga iyo ruuxdiisa kalaba isku waafaqeen.

Adeerkii oo aanu waligiiba xataa qallin ii iibi ku odhan ayuu u tagay waxa uu ka codsaday inuu ka caawiyo lacagta safarka adeerkiina xataa muu weydiinin meesha uu u socdo iy qorshaha uu ka leeyahay inuu wax siiyo kama soo tagoo , markii uu arkay xaaladda adeerkii ku qaabilay ayuu fikiray haddana waxaanu ogahay inuu haysto lacag uu ku caawin karo oo xataa safarkan nolol xumado badday uu kaga maarmi karo.

Talo kale ayaa hor timi oo ah inuu baadiye u baxo oo dad ay ehel meel ka yihiin uu xoolo ka soo urursado noloshiisa u ku dabaqabateeyo waxaanu safray isaga oo baabuurka uu u raacay u sheegay inu marka dambe soo raaci doono isaga oo xoolo wata sidaasina uu lacagta labada marba iskaga bixin doono waanu aaminay wadihii baabuurku .
Xoolo soo kaxaysay inta uu dadkii ku dhex dhacay , markan waxa uu wataa 10 Neef Ido iyo riyo iskugu jira balse waxbaan baranayaa ayaa lagu soo siiyey waxaanu ka yara baqay in ay caqabad ku noqoto haddii uu dhaho waan ku safrayaa lacagta .

Magaaladii soo gal iibi xoolihii waxaana uu ka helay lacag ku dhaw 350 dollar marka uu ka jaray noolkii baabuurka isa maalintkii ku xigtay waxa uu u safray dhanka Kenya oo jiho ahaan mooyaane aanu dhul ahaan aqoonin .
Hargeysa ayuu baabuur ka raacay Gaalkacayo ilaa gobolada dhexe ee Somaaliya ayuu sii maray habeeno iyo maalmo aanan hadda tiradooda haynin ayuu sii socday ilaa Neyroobi uu galay waqti casar ah .
Markii uu sidaasi u galay ee uu saacad wax ka yar uu joogay waxa uu meel hoteel laga cunteeyo kula kulmay nin Somaali ah oo deegaan ahaan Garoowe ka soo jeeda way iswaraysteen waxaanu uga sheekeeyey xaalkiisa oo dhan, ninkii waxa u habeenkii geeyey gurigiisii waxaanu u sheegay inuu isaga la noolaan doono inta uu nolol gaar ah samaysano Maxamed .

Waqtigii is gur Maxamed la qabsay Neyroobi hadda waa toban sanno inta uu joogaa waxa uu bartay dugsi sare iyo Jaamacad labadaba luuqada Ingiriisigana waxa uu u yaqaan si wacan . waxaanu shaqaale wax maamula ka yahay ganacsi uu lahaa ninkan gacanta ku hayey .
Hargeysa oo ahayd hooygii uu ku dhashay ayuu ku soo laabtay markan maaha wiilkii yaraa ee duhurka lugayn jiray maaha kii ka wel-weli jiray hooyo ma haysaa quraac ama maxaad cuni markaad dugsiga ka laabato maaha kii ka nixi jiray markay ardaydu u baxayaan Nusa-saacaha /break timeka dhaqaale darro awgeed . balse Waxa uu sitaa lacag ,khibrad iyo aqoon uu qayrkii iskaga celin karo .

Maxamed mar dambe oo Hargeysa nolol ka bilaabay waxa uu jeclaaday inuu ku biiro Askarta waxaanu markiiba fursad u helay arday Somaliland u dirasay dalka Ethiopia siday tobobar ciidan u soo qaatan soo qaaday kaalin wanaagsana ka gal waxbarashadii .
Markii uu soo laabtay isaga oo markan taliye ka ahmid ka mid ah saldhigyada Hargeysa waxa uu maalin suuqa dhexdiisa ku arkay ninkii Neyroobi gacanta ku hayey ee aabaha labaad nolosha uga ahaa dhalmada ka sakawna noqon karayba kiisa koobaad way isku naxeen way isa salaameen markii uu xaal waraystay ayuu ku yidhi ninkii reer Neyroobi waxaan joogay magaalada afar todobaad shantii maalmood ee ugu dambeeyeyna waxaan raadinayey si aan uga baxo magaalada , oo waxa laygu yeeshay dayn waxaana qofkii dayntaasi oo badankeeda aan u qaaday nin kale oo saaxiibo hore ahaan jiray oo magaalada ku xanuusanaya la ii sheegay in haddii aan bixin waayo lay xidhaayo .

Maxamed marka uu halkaas sheekada u marinaayo ayuu iskaga dhaqaaqay waxaanu u tagay laba askari oo ka mid ah kuwa uu taliyaha u yahay inay soo qabtaan ayuu ku amray ninkii la qabay saldhigii la gee lana xidh.
Isaguna wali waxa uu is weydiinayaa sababta oo sidaasi ugu samaynayo Maxamed ee uu xataa ugu yaraan xal ula raadin waayey .
Markiiba waxa uu ka fikiray in dadkii daynta ku lahaa ay soo xidheen intay ka war heleen meesha uu joogo ,
14 maalmood ayuu xabsiga ku jiraa ninkii reer Neyroobi ma jirto cid soo booqata iyo cid kale oo arrin kale kala hadasha kaliya cunto fiican ayaa saddexda waqti loo keenaa waxii dhar iyo wax uu huwado oo aanay maxaabiista kale helina waa loo keenaa waxaanu isku arkaa maxbuuska halkan ku jira ee ugu nasiibka wacan leh.
Maalinkii 15aad ee tirada uu ku jiray xabsiga waxa uu meel ka arkay Maxamed Axmed oo labiskii ciidanka sita wuu ku qayliyey isaga oo leh “ waar Maxamedaw ii Imaw Maxamedaw ii Imaw”
Maxamed wuu u yimi xabsigiina wuu ka saaray ninkii wuuna kexeeyey isaga oo geeyey gurigiisa waxaanu sheegay inuu isagu xidhay oo uu waliba saldhigana uu taliye ka yahay sababtuna ay ahayd markii uu u sheegay in uu rabo inuu magaalada ka baxsado uuna ogaa baalka dahabka ah ee uu noloshiisa ka soo qaatay iyo waqtigaasi oo aanu haynin adduun uu ugu abaal gudi karo ay la noqotay taladu si aan dadkii daynta ku lahaa u arkin isna aanu u baxsanin uu xabsiga geeyo isla markaana inta uu xidhan yahay uu noloshiisa ku daryeelo xabsiga .
Ugu dambayntiina waxa uu guddoonsiiyey lacagtii daynta lagu lahaa iyo mid kale oo uu ugu talo galay inuu ku safro .
Sheekadan waxa iiga sheekeeyey mid ka mid ahaa maxaabiistii waqtigaasi xabsiga ku jirtay oo sheekada askartii saldhigu uga warantay.

13659096_883494231757094_1263607626269175849_n

W/Qorey: Cumar Seerbiya

Comments are closed.