Madaxweyne Xasan Sheekh oo ololihiisa doorashada ka madax banaaneeyay Madaxtooyada

Wararka Maanta

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay bilaabay ololihiisa doorashada, xilli lagu wado in dhowaan dalka ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha, inkastoo aan wali kala cadeyn waqtiga ay dhaceyso.

Xasan Sheekh oo dadaal ugu jira in mar kale dib loo doorto, ayaa ololihiisa doorashada ka madax banaaneeyay Madaxtooyada, waxaana Kooxda qaabilsan ololihiisa doorashada ay xarumo ka sameysteen banaanka Madaxtooyada.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid uu Madaxweynaha isaga fogeynayo, hadii mucaaradka eedeymo uga yimaadaan oo ah in Madaxtooyada gudaheeda uu olole ka wado.

Sidoo kale waxaa uu tallaabadan kaga gol leeyahay in aan Madaxtooyada lagu arkin taageerayaashiisa, isla markaana xarumaha laga sameeyay banaanka Madaxtooyada ay u noqoto geed fadhi lagu soo dumo Xildhibaanada kale, lagana hago ololihiisa doorashada.

Mid ka mid ah goobaha laga bilaabay ololihiisa doorashada ayaa ku dhow Madaxtooyada, waxaana banaanka xaruntaas lagu dhajiyay sawirkiisa.

Xaruntan ayuu jimcihii la soo dhaafay kula kulmay in ka badan 70 xildhibaan ee dhowaan laga soo doortay Gobolada, waxaana uu ahaa kulan is barasho ah.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay musharaxa koowaad ee ugu fursadaha badan, marka la eego Musharaxiinta kale, iyadoo laga yaabo in wax is bedeli karaan, marka la gaaro codeynta doorashada Madaxweynaha, sida dhacday tii sanadkii 2012-kii

ololaha-xasan-768x432