3 Kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo dib loogu tartamayo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismail ayaa ku dhawaaqday inay bilaabeen howsha soo buuxinta 3-kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka lagu dooranayo Beydhabo iyo Dusmareeb.

Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud oo laga soo doorto Galmudug  ayaa iska casilay kursiga Xildhibaanimo ee golaha shacabka sidda ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka.

Kuraastan waxaa baneeyay Agaasimaha NISA Xuseen Cusmaan , Cabduqaadir Gaafow oo is casilay iyo Marxuum Khaliif Cabdullahi Sidda ay sheegtay Xaliimo Yareey.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Cabdiqaadir Gaafow uu isku casilay si uu booska ugu baneeyo walaalkiis Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Gaafoow oo doonaya inuu kursigaan u tartamo, C/qaadir Gaafow oo 2016 lagu doortay Cadaado ayaa  waxaa doorashadiisa ka dhashay muran badan oo ugu dambeyn sababtay in Cadaado laga soo wareejiyo oo Markale lagu doorto Muqdisho horaanta sanadkii 2017.