MD Farmaajo oo la kulmay Guddoonka labada Aqal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Kulan la qaatay gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi. Kulankan ayaa looga hadlayey dardargelinta shuruucda dalka iyo wada shaqeynta goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay inta badan Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddoonka Aqalka Sare. Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoonka […]

Continue Reading

Shaqaalaha Dowladda oo la fasaxay Beri 1da May

Wasaaradad Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo ku aadan maalinta Shaqaale weynaha Adduunka u dirtay Dhamaan Shaqaalaha Soomaaliyeed. Sidoo kale Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa fasaxday Shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha awgeed oo ku beegan maalinta barri ah. Mudane Sadiiq Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa […]

Continue Reading

Daawo: Musharixii 1aad Madaxweynaha Galmudug 2019

Magaalada Birmingham ee dalka UK waxaa xalay lagu qabtay xaflad si heersare loo soo agaasimay, munaasabadaas oo aqoon yahan Abuukaate Cabdullaahi Faarax Qaarey kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay qabashada kursiga Madaxweynaha Galmudug 2019. Madasha ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybaha bulshada Soomaali iyo Ajnabi, Musharax Abuukaate Qaarey ayaa noqonaya musharixii ugu horeeyey shaaciya inuu u […]

Continue Reading

Muxuu ahaa ninkii lagu qabtay Somaliland?

Xasan Cali Xaaji Yuusuf (Xasan Carab) oo booliska Somaliland ku eedeeyeen inuu qaraxyo maleegayey ku dhawaacmay todobaadkii hore ayaa waxaa kasoo baxaya faafaahino dheeraad ah. Xassan oo markii hore ka tagay Muqdisho ayaa ah khabiirka dhagaxda qaaliga iyo macdanta Mercury-ga, waxaana la sheegay rag u dhashay Somaliland u yeereen si uu ugu baaro dhagaxaan qaali […]

Continue Reading

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Dhiggiisa Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan laba dhinacle ah kula yeeshay shalay oo Axad ahayd (28 April) Magaalada Doha Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar Mudane Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo habkii looga horrumarin lahaa dhinac […]

Continue Reading

Howlgallo Xalay laga sameeyay Muqdisho

Xaafado ka tirsan Degmada Dharkenley ee Gobolka banaadir,ayaa habeenkii labaad waxaa laga sameeyay howlgallo amniga lagu Xaqiijinayo. Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa howlgalka ka sameeyay xaafado dhowr ah oo ku yaalla Degmada Dharkenley,waxa ayna Howlgalka ay ku baarayeen Gadiidka kala duwan ee ka shaqeeya Degmada dharkenley iyo Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir,waxa ayna sidoo […]

Continue Reading

Xisaabtii Akoonada Maamulka Gobolka Banaadir oo la Joojiyey

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka ayaa lagu joojiyay xisaab socotooyinka dowlada hoose ee Muqdisho, waxaana lagu war galiyay bangiyada akoonada uga furan yihiin Dowlada hoose in la joojiyay dhamaan dhaq dhaqaaqyada xisaab socotooyinka . Hanti Dhowraha Qaranka qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dowlada hoose ku jirto xiligii baarista sanadlaha, waxaana la […]

Continue Reading

Xildhibaan Mahad Salaad oo Xarig jaray 2 Ceel Riig (Sawirro)

Xildhibaan Mahad Salad Ayaa Maanta 28 April 2019 Furay 2 Ceel Riig oo uu ka Hirgaliyey Deeganada Xodale iyo Oodaale oo hoostaga degmooyinka Guriceel iyo Balanbal, ceelashaan ayaa Dadka iyo Duunyaduba ku oon Beeleen. Qodista iyo Qalabeynta Ceelashan waxaa Gacan Balaaran ka Geystay Hey’addo Samafal. Xildhibaan Mahad oo dhawaan soo gaaray degmada Guriceel gobolka Galgaduud ayaa […]

Continue Reading