Wafdiga Dhalinyarada Qaranka oo Cadaado lagu soo dhaweyey (Daawo)

Wafdi ka socday Golaha Dhalinyarada Qaranka ayaa galabta lagu soo dhaweeyey magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug. Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey Gudoomiyaha Golaha Dhalinyarada Qaranka Mudane Cabdixaafid Xuseen, wafdigan ayaa safarka dhulka ah uga yimid magaaalada Galkacyo, duleedka Cadaado waxaa kusoo dhaweyey Gudoomiyaha Dalladda dhalinyarada Galmudug GYAN Axmed Maxamed Cumar iyo dhalinyaro farabadan. Masuuliyiintan ayaa muddo […]

Continue Reading

Olole Nafaadeed oo laga sameeyey Gudaha Cadaado (Sawirro)

Olole nadaafadeed ayaa maanta laga sameeyey gudaha Magaalada Cadaado, gaar ahaa goobaha biya mareenada ah, Ololahaan ayaa waxaa soo abaabulay ururka Dhalinyarada DHISO DALKAAGA, waxaana ka qeyb galay Wasiir, xildhibaano, Maamulka degmada Cadaado, Madaxda Ururada Bulshada iyo dhalinyaro. Dhulkii loogu talagalay in ay maraan biyaha roobku ayaa inta badan waxaa laga dhistay dhismooyin sharci darro […]

Continue Reading

Cabdikariin Qalbidhagax oo Booqan doona Galmudug

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo dhawaan laga soo daayey xabsiga itoobiya ayaa maalmahan ku sugnaa Magaalada Hargeysa caasimadda Somaliland, Cabdikariin ayaa maanta gaaray Magaalada Boosaaso Xarunta gobolka Bari halkaas oo si aad ah loogu soo dhaweeyey. Qalbidhagax ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya saraakiil sare oo ka tirsan Jabhadda ONLF, waxaana safar dhulka ku mari doonaan […]

Continue Reading

Wariye M. C/wali Toxow oo Muddo Todobaad ah ku xiran Dusmareeb

Waxaa Muddo Todobaad  ah ku xiran xabsiga ciidanka Ahlu sunna ee magaalada Dusmareeb caasimadda Galmudug Wariye Maxamed Cabdi wali Tooxow oo u shaqeynayayey Universal TV iyo Radio Kulmiye. Maxamed ayaanan wali lasoo taagin Maxkamad, waxaana suxufiyiin ku booqday xabsiga inoo sheegeen in uu caafimaad qabo, Ciidanka Ahlu Sunna ee gacanta ku haya Dusmareeb ayaa ku […]

Continue Reading

AQALKA SARE OO SABABO AMNI U XIRAN

Tobankii bishaan dhammaadka ah ee Sibteembar ayey ahayd in Aqalka Sare uu furmo, balse guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare kulan ay qaateen waxa ay ku sheegeen in sababo farsamo uusan Aqalku furmeyn. Warbaahinta Kalfadhi oo ka faaloota arimaha Barlamaanka ayaa baaritaan badan ku sameysay sababta uusan Aqalku u furmin, iyadoo inta badan xildhibaannada Aqalka […]

Continue Reading

Wiil dhalinyaro oo Saaka lagu dilay magaalada Muqdisho.

Dabley hubaysan ayaa saaka aroortii Magaalada Muqdisho waxa ay ka gaysteen dil, kadib markii ay beegsadeen wiil dhalinyaro ah. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Masaajidka Cabdalla iyo Cawareera oo ku yaallo Degmada Warta Nabadda. Wiilka dilka loo geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Xasan Cali, sidoo kale Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay […]

Continue Reading

Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho oo Xiran

Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada magaalada gudaheeda qaarkood. Ciidanka dowladda ayaana ku sugan, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan isgoysyadan inay isaga kala gudbaan, kaliya waxaa loo ogol […]

Continue Reading