Madaxweynaha Soomaaliya oo wadahadal la yeeshay dhigiisa Shiinaha Xi Jinping (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping.¬†Wadahadallani waxa ay hordhac u yihiin Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran. Dhankiisa, Madaxweyne […]

Continue Reading

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyey Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynihii hore Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo 18 bilood ah dalka ka maqnaa ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhoweynta Madaxweyne Xasan Sheekh u saartay wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga, kuwaasoo garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay. Xildhibaano ka tirsan labada Gole iyo xubno horay xilal […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC). Madaxweyne Farmaajo ayaa furitaanka Madasha ka hor waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping. Labada Madaxweyne ayaa ka […]

Continue Reading

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo gaaray Cabudwaaq (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo wafdi la socday ayaa maanta gaaray Magaalada Cabudwaaq gobolka Galgaduud. Wafdigan ayaa ka yimid Magaalada Muqdisho. Masuuliyiinta Maamulka iyo qeybaha bulshada ayaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradah Cabudwaaq, waxaana wafdiga loo galbiyey gudaha magaalada. Maxamed Xaashi ayaa la filayaa inuu waqtiyada soo socda kulamo la qaato […]

Continue Reading

Cadaado: Tababarka Waxbarashada Madaniga ah ee dastuurka oo lasoo gabangabeeyey (Sawirro)

Tababar ku saabsan waxbarashada Madaniga ah ee dastuurka oo socday muddo afar maalin ah 25-28 August 2018, oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS iyo wasaaradda dastuurka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug oo lagu baranayay waxbarashada madaniga ah ee dastuurka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Cadaaado ee ee dowlad goboleedka Galmudug. Tababarkaan oo loo qabtay […]

Continue Reading