Waa sidee Xalaada Deegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug?

Xaalada deegaanka Dumaaye iyo tuulooyinka u dhow ayaa maanta daganaa, mana jirin dagaalo halkaasi ka dhacay, Ciidamada deegaanka ayaa ku sugan dhulka Howdka, Halka wararka qaar sheegayaan in ciidankii Alshabaab ay ka baxeen deegaanada lagu dagaalamay, Alshabaab ayaa xoolihii ay dhaceen u kaxeeyey dhanka Magaalooyinka Xarardheere iyo Jowle,  Ciidamada NISA oo xalay gaaray deegaanka Warshubo […]

Continue Reading

Maxamed Axmed Abtidoon oo kamid noqday Xildhibaanada Cusub Soomaaliya (Sawirro)

  Waxaa maanta magaalada ka dhacday doorashada hal kursi oo ahaa kursiga 29-aad Beesha Saleebaan/Gaabane, waxaa ku tartamay saddex musharax oo kala ah Maxamed Axmed Abtidoon Aadan Cusmaan Cali Ubax Axmed Warsame Waxaa goobta doorashada ka maqnaa labada musharax Caasho Xaaji Cilmi iyo Mahdi Cumar Muumin, lama oga sababta rasmiga maqnaanshahooda. Doorashada ayaa ku soo […]

Continue Reading

Mahad Cawad oo ku guuleystay kursiga beesha Direed -Muqdisho

Mahad Cabdalle Cawad gudoomiye ku xigeenkii Baarlamaankii Waqtigiiso dhamaaday ayaa  maanta ku guuleystay doorashada Aqalka Hoose ee beeshiisa oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ka dib markii laga soo wareejiyay degaanada Maamulka Puntland. Mahad Cabadalla Cawad ayaa ku guuleysta 50 cod kursiga Beesha Direed ee Puntland degta. waxaa la tartamaayay Xasan Maxamed Nuur oo helay […]

Continue Reading

Akhriso: Liiska Musharixiinta Aqalka sare Gobolada Waqooyiga Soomaaliya

Gudiga doorashooyinka dadban ee heer maamul goboleed oo wakiil ka ah Somaliland ayaa soo saaray Musharaxiinta xubnaha Aqalka sare ee u tartamaya gobolada waqooyi. Xubnaha oo dhowr ah ayaa loo qeybiyay gobolada kala duwan ee waqooyiga Soomaaliya, waxaana musharixiinta kamid ah xubno xilal horey kaga soo qabtay dowladihii dalka Soomaaliya iyo dowlada haatan dhisan.

Continue Reading

Doorashada xubnaha Banaadiriga oo Muqdisho ka bilaabanaya

Doorashada Aqalka Hoose ee Xildhibaanada laga soo dooranayo Beelaha Banaadiriga ayaa la filayaa in goor dhow ka bilaabato Xaruunta Gaagiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho. Wararka naga soo gaaraya goobta uu shirku ka dhacayo ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay Ammaanka meeshaasi,iyadoo laamaha Amniga ay soo saareen amaro la xiriira ammaanka inta […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey ee Xaalada Deegaanka Dumaaye

Xaalada deegaanka Dumaaye ee degmada Xarardheere gobolka Mudug ayaa ah mid kacsan, wax dagaal ah maanta kama dhicin deegaanka, Alshaab ayaa gubay beero, waxa ayna dhaceen xoolihii ay dadka deegaanku lahaayeen. Ciidamada deegaanka ee ka horjeeda Shabaab ayaa ku sugan dhulka howdka ah, waxaana dhaawacyadii qaar caawa lasoo gaarsiiyey isbitaalka Cadaado, gawaari tikniko ah iyo […]

Continue Reading

Mid kamid ah Ergadii ka qeybgashay Doorashada Cadaado oo Muqdishu lagu dilay

Koox hubeysan ayaa saaka aroortii ku dilay Cabdi Maxamed Jimcaale Koryeeri oo ka mid ahaa Ergadii Cadaado Xildhibaanada ku doortay xaafadda Carafaat ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa da’diisa lagu qiyaasay 65 sano, wuxuuna ka mid ah ergadii doorashada Cadaado ku matalayey beesha Saruur Habargidir, waxuuna dhawaan ku laabtay magaalada Muqdisho. Marxuum Cabdi Koryeeri ayaa barqanimadii […]

Continue Reading

Manchester United iyo Chelsea Oo Ku Dagaalamaya James Rodriguez

kooxaha ka wada ciyaara horyaalka Premier League ee Manchester United iyo Chelsea ayaa ku dagaalami doona xidiga kooxda Real Madrid James Rodriguez , kaasi oo la aaminsanyahay inuu soo dhamaanaayo waayihiisa naadiga. xidiga reer Colombia ayaa Naadiga Real Madrid uga soo biiray kooxda AS Monoco kadib markii uu bandhig fiican kasoo sameeyay koobkii aduunka ee […]

Continue Reading

Laba kursi oo maanta lagu doortay Cadaado

Waxaa goordhow ku soo gabangaboobay magaalada Cadaado doorashada laba kursi oo ay ku tartamayeen haween kaliya. Kursiga 26-aad beesha Shiikhaal loobage Tolweyne Waxaa ku guuleysatay Maryan maxamed xuseen oo heshay 48 cod. Kursiga 27-aad Saruur wacdaan Waxaa ku guuleysatay Maryan Xaaji cabdi Geedi oo heshay 48 cod. Waxaana hadda la aaday qado, iyadoo la filayo […]

Continue Reading